
Dr. Ali-Nur Duale
AQOONSO JEEGA BARAALE
TUTA ABSSOLUTA
(Meyrick) (Lepidoptera: Gelechiidae)
Jeega Baraaluhu waa cayayaan aad u cuna oo baabi’iya yaanyada, wuxuu kaloo weeraraa baradhada, basbaaska kidabyada leh, digiraha iyo dalagyo kaloo badan.
ASTAAMAHA LAGU GARTO
Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah dixriga oo jeegada ku leh bar weyn oo madow (waa sida loogu baxshay Jeega baraale) iyo qaan gaarka oo leh xubinta dareen-qabashada (antennae) oo u eg tin dheer. Waxaa jira qiyaastii 10-12 jiil sannadkiiba. Wareegga noolaanshaha waxaa lagu qiyaasaa 30-35 maalmood. Habeenkii ayey mirtaan, dharaartiina caleemahay hoos galaan. Dheddiggu waxay dhali kartaa 260 ukumood ama ugxaan inta ay nooshahay.
Dixirigu wuxuu maraa afar marxaladood inta u dhexeysa 12-15 cisho. Dixirigu wuxuu cunaa ama diirtaa caleemaha, laamaha iyo mirahaba.
Jeega-Baraale wuxuu weerarkiisa geedka yaanyada ku bilaabaa markii uu dhasho ilaa geedku ka duqoobo. Wuxuuna ka weeraraa caleemaha, ubaxa, jiridda iyo mirahaba taasoo lagu garan karo saxarada madow ee uu kaga tago. Beeraha yaanyada wuxuu u geysan karaa khasaare u dhexeeya 50-100%. Dixirigu mirta yaanyada ayuu gudaha u galaa, adkeysina u leeyahay dullin-dile ama sumo badan oo loo adeegsado.
Calaamadaha lagu garto joogitaanka Jeega-baraalle waxaa ka mid ah:
- Caleemaha oo diilmo aan nidaamsanayn yeesha oo soo koga ama qalala kadibna hoobta ama daata.
- Qaab-dhismeedka miraha oo xumaada
- Miraha oo yeesha dal-daloolo madow
- Miraha oo ka hoobta geedka iyagoo bislaan
Xakamaynta iyo la dagaalanka Jeega-baraale:
- Waxaa lagula dagaallami karaa noolayaasha hoos ku qoran oo iyaguba cayayaanno kale ah:
1. Trichogramma pertiosum, 2. Trichogramma achaeae, 3. Macrolophus pygmaeus, 4. Nesidiocoris tenuis, 5. Nabis pseudoferus
- U adeegsiga noolaha ili-ma qabatada ah:
Bakteeriyada la yiraahdo “Bacillus thuringiensis” iyo Fangas la yiraahdo “Metarhizium anisopliae” ayaa la hubiyey in loo adeegsan karo. - U adeegsiga dhir-daawoodka
Saliidda laga miiro miraha geed hindiga oo lagu buufiyo caleemaha iyo ciidda geedaha yaanyada hoostooda ayaa la hubiyey inay baabi’in karto 57-100%.
- Dullin-dilaha sida imidacloprid oo loogu daraa biyaha waraabka 8-10 cisho kadib beeritaankeeda; ku buufinta sumaha dila sida spinosad ama Indoxacarb.
- Xakamaynta hab dhaqameedka
Baabi’inta haraaga dhirta iyo cowska hareeraha beerta ku yaala. Jarida kuwa aad ay u saamaysay.
Isweydaarinta dalagyada.
Isticmaalka dabinta urin-orgoodka:
Habkaan aad ayaa loo amaanay waana ayadoo la adeegsanaayo dabin loona dhigayo cayayaanka laguna qabanayo si aysan dalaga u waxyeelayn, asigoo kaa yareenaayo 75% Jeega Baraalaha, sida Tutrack pheromone trap kaasoo awood u leh inoo soo jiito oo qabto Jeega Baraalaha.
Waxaa kaloo kamid ah Tu Tom lure oo asna hab sadax geesood loo samaynayo kadibna waraaq dhag dhag leh dhaxda laga dhigaayo si markuu kusoo dagto Jeega Baraalaha u qabsato sidoo kale urin-orgoodka dhaxdaa laga dhigaa ama kor la saaraa (fiiri sawirka).
Habkaan waxa uu u fiican yahay deeganka iyo dadka, waxaana lagu yareeyaa adeegsiga kiimikeed.
Midkani waa dabint urin-orgood uu ururka SPPS kutijaabiyey Beer kamid ah beeraha Soomaaliya ee lagu beero yaayada.waxaana lagula talinayaa beeraleyda in ay adeegsadaan dabinkani.